IN front at UNCC Tarmac Building/Meereesane Road

Garowe, Puntland, Somalia

Sat – Thu : - 6:00 AM - 10:00 PM:

Fri: Closed

Caanaha Geela iyo Faa’idooyinka Laga Helo

Sida aan wada ognahay geelu waa noole cajiib ah oo waxyaabo badan oo jirkiisa ka mid ah daawo Eebbe nooga dhigay, waa xayawaan mucjiso ah oo gaajada iyo haraadka u adkaysan karo bilooyin, sidaasoo tahay hadana isbadal kuma dhacaan faa’idooyinka laga helo hilibkiisa iyo caanihiisaba.

Caanaha geela waxaa la isku waafaqsan yahay in ay yihiin caanaha ugu caafimaadka badan dunida markii laga reebo caanaha hooyada, waa caano faa’ido u leh yar iyo weyn, lagana helo nafaqooyin badan oo isugu jira waxyaabaha kala duwan oo jirku bini’aadanka u baahan yahay.

Waxaa halkaan ku soo koobayaa dhowr waxtar oo cilmibaaris lagu arkay, dad badanna wax iskaga gartay markay ay joogteeyeen cabista caanaha geela.

  • Cudurka Macaanka: Nafaqada laga helo caanaha geela waxaa kamid ah hormoonka  insulin-ta ee xaddida sokorta. joogteynta cabista caanaha geela waxay xakameeyaan macaanka, waxaana dhacdo mararka qaar in cirbadda insulin-ta looga maarmo hadduu qofka ka fogaado waxyaabaha macmacaanka ah.
  • Difaaca jirka: Caanaha geela waxaa ka buuxa borotiin farabadan, borotiinada qaar waxay jirka u xilsaaran yihiin ka difaacista jeermisyada iyo xanuunada soo booddada ah waxa ayna sare u qaadaan difaaca jirka, sidaas awgeed dadka xanuunsan oo la baaninayo waxaa la siiyaa caanaha geela si difaaca jirkooda u wanaagsanaado, isbadal caafimaadne u helaan. 
  • Korriimada iyo Caafimaadka lafaha: Caanaha geela waxay u fiican yihiin korriimada caruurta iyo tayaynta jirka dadka waawayn, waxaa ku jira walxo adkeeya lafaha iyo murqaha qofka sida kaalsiyamta oo ay ku jirto saddex jibaar inta laga helo caanaha lo’da, waana sababta caanaha geela ey uga mid yihiin cunooyinka ugu horeeya ee lagu caawiyo qofka jaba si kabniinka u sahlanaado.
  • Wareegga Dhiigga: Caanaha geela waxaa ka buuxa maadada birta oo afka qalaad loogu yaqaan (IRON) oo ka hortagta dhiig-yarida, waxayna muhiim u tahay wareegga dhiiga iyo firfircoonida unugyada dhiigga. sidaas awgeed hooyada umusha ah iyo caruurta nafaqada ku dhacdo waa u muhiim caanaha geela.
  • Xasaasiyadda: Caanaha geelaha waxay daawo u yihiin xanuunada ka dhasho xasaasiyadda sida samboorka, neefta, xajiinta maqaarka iyo xasaasiyadda cuntada, caruurta ku xanuunsado caanaha lo’da iyo cunnooyinka qaarkood, waxaa lagu daaweeyaa caanaha geela. waxaa kaloo dhowr daraasad lagu arkay in caanaha geela isbadal fiican looga dareemo dadka lagu arko cilladaha isdifaaca jirku isagu is weeraraayo ee loo yaqaan “Autoimmune disorders“.
  • Caafimaadka Wadnaha: Caanaha geela wuxuu isu dheellitraa kolestaroolka fiican iyo midka xun, sidaas awgeed wuxuu muhiim u yahay caafimaadka wadnaha, wuxuuna ka hortag u yahay wadna qabadka ka dhasha xannibaada ku dhacda xiddidada wadanaha kuwaaso saameeya qulqulka dhiigga (Myocardial infarction).
  • Nafaqo: Qofka bini aadamka ahi caanaha geela waxa uu ku noolaan kara muddo dheer waxayna u geli karaan badalka cuntada iyo cabitaanka. wixii nafaqo jirku u baahnaa ayuu qofku ka heli karo kuwaaso uga maarmi karo qofku cunooyinka kle hadii uusan haysan. geellayda badanaa inta ay geela la joogaan caanahiisa ayay ku noolyihiin.
  • Ka hortagga Kansarka: Caanaha geela waxaa la arkay inay ka hortag u yihiin kansarka ku dhaca uur kujirta sida beerka, xiidmaha iyo malawadka, waana arrin lagu ogaaday cilmibaarisyo kala duwan, inkastoo ay u baahan tahay in la sii wado daraasadaha ku saabsan caanahan.

Maadaama caanaha geela aan la karkarin oo toos loo cabo, hal dhib ayaa ka imaan karta oo ah inay wasakh gaarto, taasoo qofka u gudbi karta.

wasakhdaas waa mid ka imaan karta qofka lisaaya ama mid ka imaan karta xoolaha laftirkooda sida sunta la mariyo oo kale, sidaas awgeed nadaafaddu waa muhiim.
Waa wax la arko mararka qaar dadka joogteeya hilibka iyo caanaha geela, subagga iyo hilibka idaha in ay kari wayso  cirbada suuxinta taasina waxaa loo saariyaa difaaca ay cunnadaasi uu ka helay jirka, maadaama wax kastoo qalaad oo jirka soo gala ay uga hortagaan, laakiin cabbirka daawadda suuxdinta ayaa loo siyaadiyaa dadkaas, sidaas ayaana qalliin loogu sameeyaa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Add Comment *

Name *

Email *

Website